Jabuuti,(insidesomalia.org)- Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxay todobaadkan soo socda ku kulmayaan Dalka Jibouti.
labada dhinac oo ay dhexdhexaadineyso Qaramada Midoobay ayaa waxay ka hadlayaan arrimo ku saabsan Ammaanka, Siyaasadda, Cadaaladda iyo dib u heshiisiinta, waxaana shirka ay isugu imaanayaan ka qeybgeli doona Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ahmedou Ould-Abdallah, Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Mas'uuliyiinta Isbaheysiga dib u xoreynta ee kala ah Sheekh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo sidoo kalena ay goobjoog ka noqon doonaan wakiillo ka socday Beesha Caalamka.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Ahmedou oo ka hadlay arrimaha Shirka Guddiyadaas ayaa wuxuu baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo uu ka codsaday in ay si buuxda u taageeraan dadaallada xalka loogu raadinayo mushkiladda ka taagan Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, marka ay soo dhamaadaan Shirarka Guddiyada ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta waxaa la filayaa in mar kale ay labada dhinac si rasmi ah Dalka Sacuudiga ugu saxiixaan Heshiiskii ay Jibouti ku wada gaareen 9-kii June 2008.